Recent Posts

Amb. Nicholas Kay “Soomaaliya ma ahan dal fashilmay, dib ayay u soo kabaneysaa

Ergeyga Qaramada Midoobey Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ee xafiiska ka sii tagaya ayaa sheegay in Soomaaliya aysan haatan u muuqan dal fashilmay, isagoo tilmaamay inuu dib uga soo kabanayo dhibaatooyinkii dagaalada.

Nicholas Kay ayaa sheegay in saddexdii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya ay ka jirtay xaalad yara xasilooni, isla markaana uu horumaro badan ka jiro.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay wali dhiman tahay howlo adag, sida in laga adkaado Al-Shabaab, lagana saaro dalka oo dhan.

Al-Shabaab ayaa wali wada dagaalo ka dhan ah dowladda Federaalka iyo Ciidamada AMISOM, iyadoo qaar ka mid ah dagaalayahanadeeda ku biirayaan Daacish.

“Xiligan ma jirto Soomalaiya Hogaamiya Kooxeedyo isku dagaalayo Hab Qbiil, lkn waxaa dalka kajira madaxweynayaal maamul goboleed oo doonaya inay wax walba xal iyo wada hadal ku dhameeyaan” ayuu yiri Nicholas Kay.

Nicholas Kay oo muddo saddex sano madax ka ahaa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa waxaa uu dhamaadka sanadkan xafiiska ku wareejianyaa Diblomaasi cusub oo ay isku dal ka soo jeedaan, kaasoo lagu magacaabo Micheal Keating

Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment