Wafuud kala duwan oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin, ergooyin ayaa ku qul qulaya magaalada Jowhar, iyadoo ay socoto qaban qaabada shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Sida ay sheegayaan wararka wafuuda gaaray magaalada ayaa la sheegay inay horu dhac u yihiin wafuud kale oo saacadaha soo socda la filayo inay gaaraan Jowhar.
Waxaa magaalada ku sugan Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad, Wasiiru dowlaha Maaliyada C/llaahi Maxamed Nuur oo labadaba ka mid ahaa saxiixayaashii Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Sidon kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda labada gobol ayaa gaaray magaalada Jowhar, kuwaasoo ka qeyb galaya furitaanka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa marka uu ka soo laabto Kismaayo inuu tago Jowhar, si uu u furo shirka.
Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo la dhigay wadooyinka magaalada soo gala, iyadoo la baarayo dadka iyo gaadiidka.
Mas’uuliyiinta Maamulka ayaa sheegay in gebi ahaanba ay soo gaba gaboobeen diyaar garowgii ay ugu jireen marti gelinta shirka, isla markaana haatan sugayaan in dhamaan ergooyinka soo xaroodaan, shirkana uu furmo
0 comments:
Post a Comment