Recent Posts

Colaada magaalada baladweyn oo lasoo afjaray

Wafdi ka socda Dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gebi ahaanba soo afjaraan colaad magaalada Beled Weyne ku dhex martay laba beel oo walaalo ah isla markaana geystay qasaarooyin naf iyo maalba leh.

Beelaha Jejeelle iyo Gaaljecel oo ah beelaha ku dagaalamay bartamaha magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saxiixay heshiis ka kooban dhowr qodob, iyadoo halkaasina ay goob joog ka ahaayeen ergada wafdiga ka tegay Muqdisho ee ka socda Dowladda Federaalka.

WARARKA MAANTA UGU DOORKA ROON

Maleeshiyooyinka labada beel oo is dhex fadhiya iyagoo waliba sita hubkii ay ku dagaalamayeen ayaa lagu soo bandhigay magaalada B/Weyne, taasi oo tusaale cad u noqotay heshiis rasmi ah oo labada dhinac ay ka yeesheen dagaaladii qasaaraha badan ka geystay goobihii ay ku dagaalameen.

Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment