Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban labada gole ee Dowladda federaalka ayaa maanta soo gaaray magaaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan, Odayaasha gobolka iyo qaar ka mid ah dadweynaha magaalada ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyn islamarkaana Madaxweynaha kulan kula qaatay gudaha magaaladda odayaal dhaqameedka iyo ururada bulshada.
Madaxweynaha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ujeedda isaga iyo wafdigiisu u yimaadeen magaaladda Beledweyn inay tahay u kuur-gelida xaaladahii ugu dambeeyey ee magaaladda Beledweyn iyo latashiyo uu la yeelan doono bulshada gobolka.
“ Waxaan rabaaa in aan aad iyo aad ugu mahad-celiyo odayaasha dhaqanka ee ku baxay xallinta khilaafkii dadka walaalaha ah ku dhaxmaray magaaladda Beledweyn , gacanna ku siiyey dowladda federaalka in heshiis laga gaaro colaadii dhacday” ayuu yiri Madaxwynaha,
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri” Waxaan kaloo rabaa in qofkii qof dila aanan la dhihin heer hebel ayaa heer hebel dilay hayeeshee la yiraahdo gacan ku dhiigle hebel ayaa dilay qof hebel , dowladdana gacanta ayey ku soo dhigi doontaa.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa ku hoyanaya magaaladda Beledweyn ayaa kulamo gaar gaar ah la leh Maamulka gobolka iyo kan degmadda Beledweyn , siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo bulshadda qeybaheeda kala duwan
0 comments:
Post a Comment