Recent Posts

Madaxweyne Xasan sh.mahamud Oo Eedeeyey Caalamka

Madaxweynaha waxa uu sheegay in caalamka uusan dhaqaale siin dowladda, taas oo ay jirtana ay ku eedeeyaan musuqmaasuq.

MUQDISHO — 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku eedeeyey hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka inaysan dhaqaale siinin dawladda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad loogu magaic daray “Xoojinta hay’adaha dowladda iyo sare u qaadidda sumcadda dhaqaale ee Soomalaiya” ayaa sheegay in dhaqaalaha caalamka uu ku bixiyo Soomaaliya uu yahay mid aan muuqan.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale sheegay in hay’adaha gargaarka ay xitaa mashaariicda qaarkod ee Soomaaliya iyagu maamulaan, taas oo ay jirtana ay dowladda ku eedeeyaan musuqmaasuq.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in xitaa askariga ka tirsan ciidamada dowladda aan mushaarka loogu dhiibin dowladda, oo ay hay’adaha shisheeye ayaga siiyaan.

Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo diray Jacfar Kuukaay

Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment