Recent Posts

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada Gobolada ka jira

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka jira gobolada dalka, isagoo tilmaamay in aan xilligan loo baahneyn dagaal sokeeye oo dalka ka dhaca.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Soomaaliya waxyaabaha dib u dhigay ay tahay colaadaha, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo.

“Maanta ma ahan maalin Soomaali ay is disho, maanta waa maalin u baahan caqliga inuu is bedelo aan garano walaalnimadeena iyo nabada qiimaheeda, dagaal haduu uu wax tarayo Soomaaliya ayaa horumar ku gaari laheyd, qabiilna haduu wax tarayo Soomaaliya sidan ma ahaateen”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dadka colaadaha abaabulaya inay joojiyaan dhiiga daadanaya, dadaalada nabadeedna loo dhega-nuglaado.

“Dadka ku howlan ee colaadaha abaabulaya waxaa leeyahay Alle ka baqa, umada u naxa, dhiiga daadanaya joojiya, dadka nabada wadana u dhega nuglaadaa, maanta ma ahan maalin lagu faano qabiil iyo waxbaa dhibaateeyay, waa maalintii lagu faani lahaa nabada iyo isu tanaasul, bani’aadamka in caqligiisa wax iska bedela rabaa, dhowr iyo 20-sano caqligeena waxba iskama bedelin”ayuu yiri mar kale Madaxweynihii hore Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa bogaadiyay dadaalada nabadeed ee ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka, isagoo ku baaqay in la sii laba laabo, lana xoojiyo nabada

Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment