Recent Posts

Shirka wada tashiga qaran ee doorashooyinka 2016 oo maanta ka furmaya Muqdisho


 Waxaa maanta lagu wadaa in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ka furmo shirka wada tashiga heer qaran ee looga hadlayo doorashooyinka sanadka 2016, waxaana shirkan ka soo qeyb geli doona Madaxda dowladda Federaalka, madaxda Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, kuwa maamul goboleedyada, xildhibaano beesha caalamka iyo qeybaha bulshada.
Shirkan ayaa looga hadlo doona nuuca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta sanadka 2016, iyadoo lagu soo bandhigi doono fikrad uruurintii laga sameeyay shirarkii ka dhacay gobolada dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furi doona shirka madasha wada tashiga heer qaran, waxaana uu socon doonaa muddo labo maalmood, iyadoo looga tashanayo mustaqbalka Soomaaliya iyo marxalada looga gudbayo sanadka 2016.
Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada sida, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa iyana lagu wadaa inay khudbad ka jeediyaan, isla markaana ka hadlaan ra’yi uruurintii laga sameeyay deegaanadooda ee ku aadan nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2016.
Waxaa jira kala aragti duwanaan u dhaxeysa xubnaha Madasha wada tashiga qaran, iyadoo maamulada Puntland iyo Jubbaland ay isku fikrad ka yihiin in doorashada 2016 ay noqoto qaab deegaan, halka Koofur Galbeed iyo Galmudug ay soo jeediyeen in lagu saleeyo nidaamka 4.5.
Si kastaba ha ahaatee bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2016 ayaa la filayaa in la soo bandhigo qaabka doorasho ee dalka ka dhici doonta, iyadoo la isku raaco qodob oo ah afarta qodob ee miiska saaran
Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment