Recent Posts

Madaxweynaha oo kulankii u horeeyay la yeeshay Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey 

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

Madaxweynaha ayaa wakiilka cusub uga warbixiyay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga , siyaasadda, qeybsiga kheyraadka iyo dib u dhiska dalka.

Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr Keating oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hawlgalo Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in Qaramada Midoobay ay sii wadeyso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, inta uu xilka hayana uu dardar gelin doono mashaariicdii ay Qaramada Midoobay ka waddey dalka.

Mr Keating waa diblomaasi u dhashey dalka Britain, waxaana uu beddelayaa Mr Nichoals Kay oo ahaa wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, oo muddadi uu xilka hayey ay dhammaatey.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socotey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay

Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment