Recent Posts

Dagaal 7 Qof Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay 

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad toban kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo maanta dhex maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay duleedka degamada diinsoor ee gobolka Baay.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dagaalkan ayaa ku billowday, weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay fadhiyeen ciidamada dowladda.

Dadka dagaalka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa ahaa dhinacyadii dagaalka uu dhex maray.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka ayaa 
                            Masagaweyn.com
u sheegay in weerarka lagu soo qaaday ay iska caabiyeen, saldhigii lagu dagaalamayna ay haatan ciidamada dowladda ku sugan yihiin.

Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment