Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in dagaalo mar kale ka dhaceen xaafada Howl-wadaag ee galbeedka magaalada, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Dagaalka ayaa ka dhacay suuqa xoolaha xaafada Howl-wadaag, iyadoo labada maleeshiyo beeleed ay tan iyo maanta duhurkii is weydaarsanayeen rasaas goos goos ah.
Dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Beledweyn ayaa yimid, iyadoo ay socdaan dadaalo nabadeed oo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan, kaasoo la doonayo in lagu soo afjaro colaada.
Wararka aanu ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in khasaaraha dagaalka maanta uu yahay mid yar, inkastoo dagaalkii shalay ay ku dhinteen in ka badan 10-ruux.
Isbitaalka magaalada Beledweyn ayaa la geeyay 13 ruux oo dhaawac ah, kuwaasoo ahaa dad rayid ah oo rasaas wiifto ah ay haleeshay.
Agaasimaha Isbitaalka Beledweyn Axmed Maxamed Khaliif ayaa sheegay in dhaawacyada ay isugu jiraan kuwa caloosha iyo lugaha, isagoo tilmaamay in xalay magaalada ay ku baryeen ilaa 36 dhaawac ah, saakayna loo keenay 13 ruux.
Guddoomiyaha degmada Beledweyn ayaa sheegay in haatan dagaalka joogsaday, isla markaana kulan u socdo odayaasha labada dhinac ee maleeshiyo beeleedyada iyo odayaal waan waan ka dhex wada.
Xaalada magaalada ayaa ah mid wali kacsan, iyadoo ay hakad ku jiraan dhaq dhaqaaqii ganacsi iyo gaadiid ee magaalada
0 comments:
Post a Comment