Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan hanaanka geedi socodka doorashooyinka 2016, kaasoo lagu kala aragti duwan yahay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.
Kulankan gaar ah ayaa ka dhinac dhici doona wareega labaad ee shirka madasha wada tashiga qaran ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in Madaxda ay ka doodaan kala aragti duwanaanshaha jira ka hor inta aan la isku raacin hal aragti.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in kala aragti duwanaanshaha jira uu micnaheedu aheyn inuu khilaaf jiro, isagoo xusay in ugu dambeyn la gaari doono go’aan mid ah.
“Maadaama shirka socdo, illaa iyo hada go’aan rasmi ah oo la gaaray ma jiro, maanta waxaa jiri doona kulan gaar ah ay yeelanayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada, waxay halkeeda ka sii wadi doonaa aragti is weydaarsigooda ku aadan hanaanka geedi socodka doorashooyinka, berri waxaa la filayaa in la isku soo laabto, horayna loogu soo wado doodaha socda, si ugu dambeyn la qaato go’aan loo dhan yahay”ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys.
Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale sheegay in kulankan marka uu dhamaado uu jiri doono kulan kale oo ka dhici doona dalka Turkiga, halkaasoo lagu soo bandhigi doono natiijada ka soo baxa kulankan sida uu yiri.
Madaxda Maamul goboleedyada ayaa ku kala aragti duwan nooca doorasho ee la qaadan doono, iyadoo Maamulada Puntland iyo Jubaland ay isku mowqif yihiin, halka Maamulada kale ee Koofur Galbeed iyo Galmudug ay aragti ka duwan kan labadaas maamul ay qabaan.
Lama oga sida labada dhinac isugu soo dhowaan doonaan, waxaana dooda culus ee madasha taal ay tahay in la qaato hab deegaan ama 4.5, iyadoo laga sugayo in madaxda shirka ka qeyb galeysa inay isku raacaan hal aragti oo mideysan.
0 comments:
Post a Comment