Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay dagaalo maamihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalooyinka Beledweyn iyo Marka ee xarumaha Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Hooe.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya Beledweyn lagula xisaabtami doono, isagoo ku baaqay in deg deg ah loo joojiyo dagaalada.
“Dhowr jeer oo hore ayaan u sheegay inaan marnaba la aqbali karin in shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo, Waa in degdeg dagaalka loo joojiyaa dagaalka Beledweyn, qolyaha ku lug lehna ay xisaabta ku darsadaan in lala xisaabtamayo, Cid walba oo dhiigga shacabka daadisa sharciga ayaa la hor keenayaa, mana jiro ruux sharciga ka sarreeya oo la iska eegan doono isagoo dagaal sokeeye hurinaya’’.
Madaxweynaha ayaa faray ciidammada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada inay degdeg colaaddaasi u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shacabka Gobolka Hiiraan ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan, deegaanadoodana u diyaariyaan dhismaha maamulka cusub ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si loo dedejiyo barnaamijka baahinta xukunka iyo adeegyada aasaasiga ee bulshada.
Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cambaareeyay dagaaladii ka dhacay magaalada Marka, isagoo nasiib darro ku tilmaamay dagaalada ku soo noq noqday qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.
“Soomaaliya nabad ayay u ooman tahay, mana jirto sabab shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in deg-deg dagaalka loo joojiyaa, qolyaha ku lug lehna ay ogaadaan in lala xisaabtamayo’’.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in gobolka Shabeeellaha Hoose ay horyaallaaan hawlo adag, sida dagaalka gobolka looga sifeynayo haraadiga Al-Shabaab iyo adeegyada aasaasiga lagu baahiyo degaannadaasi, xilliganna aan loo baahneyn colaad shacabka dhexdiisa ah
0 comments:
Post a Comment