Recent Posts

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo Masar uga qeyb galay shir muhiim ah

Magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar ayaa waxaa ka socda shirka Wasiirada Shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta, kaas oo ay Soomaaliya uga qaybgalayaan wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Muuddeey.

Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirka uu yahay mid sanadle ah, waxaan diiradda lagu saaray dhanka arrimaha bulshada iyo waxyaabaha u qabsoomay wadamada Jaamacadda Carabta.

Wasiirka ayaa xusay in maanta shirka si gaar ah diiradda lagu saaray dhanka dhinaca naafada, waxaana uu intaa ku daray inay la hortegeen qorsheyaal ku aadan waxyaabaha ay Wasaaraddu soo diyaarisay.

“Shirkii 15aad ee Wasiirada shaqada iyo arrimaha bulshada shalay, waxaa la magacaabay guddi fulin oo ka kooban lix dowladood oo ay Soomaaliya ku jirta, waana guul u soo hooyatay in Guddiga shalay la magacaabay aan xubin ka noqo” ayuu yiri Wasiirka

Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment