Recent Posts

Sacuudiga Oo Isbaheysi Islami Ah Ku Dhowaaqay

Isbaheysigan ayaa waxaa ku jira dalal ay ka mid yihiin Jordan, Bahrain, Turkey, Imaaraadka Carabta, Tunisia, Lebanon, Libya, Egypt, Pakistan iyo Somalia.

RIYADH — 

Saudi Arabia ayaa talaadada ku dhowaaqday wax ay ugu yeertay Isbaheysi Milatari oo Islaami ah oo ka kooban 34 dal, si uu ula dagaalamo argagixisada.

Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa daabacday bayaan lagu sheegay in hindisahan uu ku jiri doono sameynta xarun isku xirta howlgallada milatari ee isbaheysigan oo laga sameynayo magaalada Riyad.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in “Argagixisada ay tahay xadgudub daran oo ka dhan ah xuquuqda iyo sharafta bani aadamka, gaar ahaan xuquuqda nololeed iyo tan ammaan”, islamarkaana in “Ficillada musuq-maasuqa iyo argagixisanimada aan sinaba loogu cudur daari karin”.

Dhaxal sugaha labaad ee Sacudiga ahna wasiirka gaashaandhigga Maxamed Bin Salman ayaa shir jaraa’id ka sheegay in aan diiradda la saari doonin oo kaliya hal urur oo argagixiso oo kaliya.

Isbaheysigan ayaa waxaa ku jira dalalka Jordan, Bahrain, Turkey iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo iminka weeraro duqeyn ah ka fulinaya dalka Syria, ayaga oo qeyb ka ah xulufada Mareykanka uu hogaaminayo ee la dagaalamaya kooxda Daacish.

Waxaa sidoo kale ku jira dalalka Tunisia, Lebanon, Libya, Egypt, Pakistan, Bangladesh, Malaysia, Sudan, Somalia, Mali iyo Nigeria

Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment