Recent Posts

Shir u dhaxeeya Madaxda Soomaalida oo Maanta ka furmayo Dalka Jabuuti

Magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jabuuti,waxaa maanta ka furmaya Shirka wadatashiga Soomaalida,kaas oo looga hadlayo nooca doorashada ee ka dhici karta Soomaalida 2016ka.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya madax ka socota Dowladda Federaalka iyo wakiillo ka kala socda Maamul Goboleedyada Puntland,Galmudug,Jubba,Koofur Galbeed iyo wakiillo kala matalaya Beesha Caalamka iyo ururrada Bulshada rayidka ah.

Shirkan ayaa lagu waday in uu ka furmo magaalada Muqdisho,lamana caddeynin sababta loogu beddelay Dalka Jabuuti,waxaana Shirkan midka xiga ee looga hadlayo nooca doorashada 2016ka uu Bisha February ka furmaya Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment