Recent Posts

Madaxweynaha Gambia oo ku dhawaaqay in dalkiisu yahay Jamhuuriyad Islaami ah

Madaxweynaha Gambia Yahya Jammeh oo dalkiisu ay u badan yihiin Muslimiinta ayaa ku dhawaaqay inay yihiin Jamhuuriyad Islaami ah, isagoo xusay in la baab’iyay dhamaan dhaqamadii uu Gumeystuhu lahaa.

Mr Jammeh ayaa Telefishinka qaranka ee dalkiisa ka sheegay in wixii hada ka dambeeya Gambia ay ku dhaqami doonto ku dhaqanka shareecada Islaamka, isla markaana xushmeyn doonto

Waxaa uu intaa ku daray in wax is bedel ah aan ku imaan doonin sida ay dadka u labistaan, isla markaana wax sharci ah lagu soo rogi doonin.

Madaxweyne Jammeh ayaa muddo 21 sano xukumayay dalka yar ee ka tirsan Galbeedka Afrika, waxaana uu mar ka bad baaday isku day afgambi.

Dadka Gambia ayaa 90% ay yihiin dad Muslimiin ah, waxaa horay u gumeystay Britain, waxaana uu ku caan yahay dalxiiska, inkastoo muddooyinkii u dambeeyay uu sii xumaanayay xiriirka kala dhaxeeya dalkiisa iyo reer Galbeedka.

Midowga Yurub ayaa sanadkii hore si KMG ah u joojiyay lacago uu gar gaar ah uu siin jiray Gambia.

“Maadaama Muslimiinta ay u badan yihiin dalka, Gambia kuma sii dhaqmi karto dhaqamadii Gumeystaha”ayuu yiri Madaxweyne Jammeh oo dadka u sharaxayay sababaha uu dalkiisa u noqday Jamhuuriyad Islaami ah.

Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment