Ururka Daacish ayaa soo bandhigay sawirada Taangiyo iyo hub culus oo ay ku dagaalamayeen, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen kuwo Ciidamada Ciraaq la siiyay sanadkii hore.
Hubkan ayaa la sheegay inay u badnaayeen kuwo dalalka reer Galbeedka, Ruushka iyo Shiinaha ay siiyeen dowladda Ciraaq.
Warbaahinta caalamiga ayaa aaminsan in hubkan qaarkood qaab musuq maasuq ah uu ku baxay, oo baqaarada keydka hubka Ciraaq laga xaday.
Taangi ka mid ahaa kuwii la siiyay Ciidamada Ciraaq oo ay ku dagaalamayaan Daacish ayaa lagu arkay safka hore dagaalka ka socda garoonka Ciidamada cirka Deir Ezzor ee dalka Suuriya.
Hubabka qaar ee ay adeegsanayeen dagaalyahanada Daacish ayaa isugu jira kuwo ay sameeyeen dalalka UK, Russia, China, USA, Germany iyo France, waxaana ka mid ahaa gantaalada lidka diyaaradaha iyo kuwa Taangiga ah, qoryaha Ruushka sameeyo ee shiishka ah, madaafiicda Shiinaha sameeyo iyo hubab kale.
Amnesty International ayaa rumeysan in Daacish hubka ugu badan ay ka hesho Ciidamada Ciraaq, isla markaana ka faa’ideystay hubkii wadamada reer galbeedka iyo kuwa kale ugu deeqeen dowladda Ciraaq.
0 comments:
Post a Comment