Munaasabad si weyn loo agaasimayay oo ay soo qaban qaabiyeen illaa 27 xisbi siyaasadeed ayay ku soo bandhigeen aragtidooda ku aadan ”Hanaanka loo dhan yahay ee Doorashada 2016”, iyadoo Munaasabada ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano, Hogaamiyayaal Xisbi, Xubnaha Xisbiyada, Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka iyo Dhalinyarada.
Munaasabadan oo ka dhacday Hotel Maka Almukarama ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulan C/qaadir Maxamed Cusmaan-Barnaamij oo sharaxaad ka bixiyay ”Hanaanka loo dhan yahay ee Doorashada 2016 isagoo sheegay ” in hanaankan loo dhan yahay, ay kaalin ku leeyihiin Odayaasha Dhaqanka (Duubabka) Maamul Goboleedyada, Xisbiayda Siyaasadeed, Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka, codkoodana uu muhim yahay qeybaha kale ee Bulshada sida Nabadoonada, Aqoonyahanka, Culimada, Haweenka, Siyaasiyiinta iyo Dhalinyarad”
Guddoomiye Barnaamij ayaa hoosta ka xariiqay in sida Dustuurka Soomaaliya uu qabo ay Xisbiyadu aragtidoodu tahay oo ah in dalka doorasho ka dhacdo qof iyo codskiis ah balse hogaanka talada dalka haya ayaa ka gaabiyay, sidaa darteed xisbiyadu ay si xoogan ugu soo horjeedaan kororsi, taa badalkeedna la qabto doorasho lagu dooranayo Xisbiyo siyaasadeed si looga guuro Barlamaan Xisbiyo ka kooban (Hanaanka loo dhanyahay ee Doorashada 2016 Fadlan ka fiiri Hoos.)
Bandhigaas ka dib waxaa 27 Xisbi Hogaanadoood ay saxiixeen hindisahan ku aadan 2016, waxaana Khudbado taageero ka soo jeediyay Muxiyadiin Cali Yusuf Gudoomiyaha Golaha Xisbiyada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Ileys, Xildh. Xasan Macalim Maxamuud Gudoomiyaha Xisbiga Daljir, Dr Saadaq Eenoow Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo(Puntland), C/qaadir Maxamed Xuseen jaahweyn Gudoomiyaha Xisbiga Badbaado Qaran, Nadiifo C/laahi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka, Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulan, Dr Maxamed Cali Ibraahim Gudoomiyaha Xisbiga Qaran ee Isbadalka & Horumarka. sidoo kale waxaa Munaasabadan ka hadlay Bulshada Rayidka sida Nabadoonada iyo Culmadadiinta.
Gudnaanadkii ayaa C/laahi Sheekh Aadan oo ah Gudoomiyaha Qabanqaabada Xaflada ahna Gudoomiyaha Xisbiga SPDU waxaa uu ku dhawaaqay in Xisbiyada hanaankaan saxiixay waxay doorteen Gudi ka shaqeeya hirgelinta Hanaankan iyo sidii shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka looga dhaadhicin lahaa
0 comments:
Post a Comment