Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u cusbooneysiisay heshiis ay hey’adda WFP uga howl galeyso dalka Soomaaliya kadib markii uu idlaaday waqtiga heshiiskii hore.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. C/salaan Hadliye Cumar iyo Wakiilka WFP Soomaaliya Mr. Laurent Bukera ayaa maanta heshiiskaasi ku kala saxiixday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Caasimadda Muqdisho, halkaasoo ay goob joog ka ahaayeen Garyaqaanka guud ee dowladda Dr. Osman Elmi Guled, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Ali Mohamed Ali iyo mas’uuliyiin kale .
Heshiiskan ayaa xoojinaya dadaalada hey’adda WFP ay uga hortageyso xaaladaha bani’aadanimo ee kala duwan ee mararka qaar la soo gudboonaada dadka iyo duunyada ku kala nool Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya .
Wasiirka Arrimaha Dibadda C/salaan Hadliye ayaa sheegay in WFP ay ka qeyb qaadata howlaha sama falka iyo kaalmooyinka bani’aadanimada, isagoo ugu baaqay inay sii xoojiyaan howlaha ay ka hayaan Soomaaliya.
Hey’adda WFP oo ka mid ah hey’addaha Qaramada Midoobey ayaa ka mid ahaa Hey’addihii ay sanado ka hor ka mamnuuceen Al-Shabaab deegaanada ay ka howl galaan.
0 comments:
Post a Comment