Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Milkiilaha Telefishinka Universal ku wareejiyay xarunta Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.
Xarunta Ex Baarlamaan ayaa loo bedeli doonaa meel loo dalxiis tago, isla markaana lagu beeri doono ubax iyo jardiinooyin, iyadoo muddo ay bur bursaneyd xaruntan.
Milkiilaha Telefishinka Universal Eng, Axmadeey Abuubakar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xaruntan lagu soo wareejiyo, isla markaana ay ka dhigi doonaan goob loo soo dalxiis tago.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in xarunta Ex Baarlamaan ay noqon doonto meel loo soo dalxiis tago, isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu ku wareejiyo Madaxda Telefishinka Universal.
“Waxay noo tahay farxad anigoo dareenkeyga aanan cabiri karin maxaa yeelay Ex baarlamaan shalay sidee aheyd aan ognahay, maanta sida ay dhanato iyo berri ay rajeyneyno inay noqoto meel loo dalxiis tagi doono, cida suura geli laheyd garabkeyga ay taagan tahay, telefishinka Universal iyo kooxdiisa waxaa ka codsaday Ex baarlamaan maadaama meel taariikhi ay tahay daljirka dahsoon dadka u soo dalxiis tagayaan ku dhow tahay, inay noqoto meel loo soo daxiis tago ardayda soomaaliyeed wax ku akhristaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Ganacsato Soomaaliyeed ku wareejiyay jardiinada ku yaala magaalada iyo goobo kale, kuwaasoo laga dhigay meelo loo soo dalxiis tago, inkastoo wareejintaas dhaliilo loogu soo jeediyay.
Hase ahaatee tallaabadan uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ugu wareejiyay Madaxda Telefishinka Universal xarunta Ex Baarlamaan ayaa la ogeyn inuu qeyla dhaan ka imaan doono iyo in kale, lamana oga inuu arrintan fasax kaga qaatay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka.
Lama soo bandhigin cadeymo ama heshiis muujinaya Gobolka iyo Maamulka Telefishinka Universal oo ku aadan wareejinta xarunta Ex Baarlamaan.
Labo sano ka hor ayay aheyd markii Guddiyada joogtada baarlamaanka ay soo bandhigeen nashqad muujineysay in dib u dayactir lagu sameeyo xarunta Ex Baarlamaan, lama oga halka uu qorshahaas ku dambeeyay, iyadoo uu jiray mashruuc dayactir loogu sameyn lahaa xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay maal geli laheyd Imaaraadka Carabta.
Dad badan ayaa u arka tallaabada uu qaaday Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ay la mid tahay tii uu eedeynta ku muteystay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Muungaab oo ahaa inuu bixiyay dhul badan oo dowladeed.
Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeeyay ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu xarun dowladeed ku wareejiyo, tan iyo markii bishii October loo magacaabay xilkan.
0 comments:
Post a Comment