Xarun lagu xanaaneyo agoonta ayaa hay’ada Zamsam Foundation waxa ay ka hirgelinaysaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen ayaa maanta dhagax dhigay xarun lagu xanaaneeyo agoonta oo ay hay’ada Zamsam foundation ka hirgelinaysa magaalada Jowhar iyadoo muasasada Raaf ay maalgelinayso dhismahan.
Agaasime ku xigeenka hay’ada Zamsam Cali Cismaan Muudeey oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in xaruntan agoon loogu talogalay carruurta agoonta ah ee gobolka Sh/dhexe laguna xanaaneyn doono 300 oo agoon ah kuwaasoo xarunta siin doonto cunto,hoy,waxbarasho iyo caafimaad.
“Waa barnaamijkii ugu horeeyay ee gobolka xarun agoonta u gaar ah laga hirgeliyo gobolka Sh/dhexe ayna ka faa’ideysan doonaan carruur faro badan oo u baahan in laga caawiyo sidii loo dhisi lahaa mustaqbalkooda.”ayuu yiri Cali Cismaan Muudey agaasime ku xigeenka hay’ada Zamsam Foundation.
Sidoo kale waxaa munaasabadan ka hadlay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Sh/dhexe Muxumad Sugaal ayaa u mahadceliyay hay’ada Zamsam oo noqotay hay’adii ugu horeysay ee gobolka Sh/dhexe ka hirgelisa xarun agoonta lagu xanaaneeyo.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen(Guudlaawe) oo ka hadlay munaasabada dhaga dhigga ayaa sheegay in dhismaha xaruntan ay u tahay cadeyn in gobolka Sh/dhexe uu yahay mid hore u socdo isla markaana laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo maalinba maalinta ka dambeysa gobolku sii hormarayo.
“Waxaan uga mahadcelinayaa hay’ada Zamsam hirgelinta mashruuca xarunta agoonta iyadoo hore gobolka ugaga waday mashaariic kale oo muhiim ah,waxaan ugu baaqayaa hay’adaha kale ee ka jira dalka inay ku daydaan hay’ada Zamsam Foundation.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen.
Agaasimaha Waxbarashadda hay’ada Zamsam foundation Cali Macalin Xasan ayaa sheegay in hay’ada ay hore ugaga hirgelisay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe mashaariic horumarineed oo isugu jira kuwo waxbarasho,caafimaad iyo ceelal.
Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Sh.Xanafi oo ay gacanta ku hayso hay’ada Zamsam ka hirgelisay magaalada Jowhar ayaa waxaa wax ka barta arday gaareysa 1,280 arday kuwaasoo 570 ay yihiin agoon la siiyo lacag ay noloshooda ku maareeyaan, sidoo kale waxaa ay hay’ada ka hirgelisay xarumo isugu jira xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho deegaanada jameeco sheikh bashiir, jowhar, mahaday iyo gololey
0 comments:
Post a Comment