Recent Posts

Munaasabat casho sharaf ah oo lagu soo dhaweeyay wasiirka Dakadaha & gaadiidka Badda somaliyeet mudane Nuur Faarax Xirsi

Munaasabadan oo aheyd Casho sharaf lagu soo dhoweynayay wasiirka Dekadaha & gaadiidka Badda Soomaaliya Mudane Nuur Faarax Xirsi ayaa waxaa lagu qabtay galbeedka magaalada London ee wadankan Ingiriiska.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ee UK ayaa waxaa kasoo qeyb galay Udayaal, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Fanaaniin, waxaa ayna si aad ah usoo dhoweeyeen Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya oo isagu safar shaqo ah ku joogay magaalada London ee wadankan Ingiriiska.Intaasi kadib Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Nuur Faarax Xirsi oo khudbad dheer halkaasi ka jeediyay, isla markaana kawarbixyay xaalada uu marayo dalka ayaa waxaa uu ugu horeyn uga mahadceliyay Jaaliyadda soo dhoweynta qiimaha badan ee ay usameeyeen.Wasiirka ayaa waxaa uu kudheeraaday dhibaatada uu keeni karo nidaamkan Federaalka ah ee iminka kasocda dalka Soomaaliya guud ahaan, waxaa uuna sheegay in nidaamkaasi Federaalka ah uu dalka u horseedayo bur bur iyo kala googo’a Dhulka Soomaaliyeed hadaan laga digtoonaan.

About these ads

Share on Google Plus

About Unknown

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment

0 comments:

Post a Comment