Madaafiic ay rideen xalay ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee duleedka magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dhaawacantay saddex ruux oo rayid ah.
Dadka ku dhaawacmay madaafiicdan oo labo ka mid ah ay ahaayeen dumar ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Jowhar oo lagu daweynayo.
Qoysaska ay madaafiicdan ku dhacday ayaa waxaa ay ahaayene kuwo ku nool xero barakacayaal ah oo ku taal duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.
Jimcaale Mahdi Maxamuud oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay madaafiicdan ayaa waxaa uu sheegay in isagoo jooga gurigiisa uu ku soo dhacay madfac laga soo riday xarunta ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.
Madaafiicda ay rideen ciidamada AMISOM ayaa laga maqlay deegaano ka fog fog magaalada Jowhar.
Ninkan ka mid ah dadka ku dhaawacmay madaafiicda ayaa sheegay in aysan jirin cid gurmad u soo sameysay ee ciidamada AMISOM iyo maamul degmo iyo maamul gobolba.
Dhowaan ayaa ciidamada AMISOM eek u sugan magaalada Jowhar waxa ay ku dileen nin madaxa looga jirey oo xilli habeen ah galay gudaha xerada ay ciidamadaasi ku leeyihiin dhinca Bari ee magaalada Jowhar
0 comments:
Post a Comment